NIMCAAN-BOSS Official Web-Page

Followers

Monday, April 17, 2023

IF THEY LEARN ABOUT SOCIAL PSYCHOLOGY, WHAT CAN IT INCREASE: (CILMI NAFSIGA BULSHADA HADAY BARTAAN MUXUU U SOO KORDHINKARAA:

 Cilmi nafsiga bulshada waa laan cilmi-nafsiyeed oo khusaysa sida saamaysan San tahay bulshada sida dadka u fikiraan,u dareemaan, una dhaqmaan. Sida aan nafteena u aragno ee la'xariirta adduunka intiisa kale Ayaa door muhiima ka ciyaarta xulashooyinka,dabeecadaha iyo caqiidoyinka. Taa badalkeeda fikradaha dadka kale waxay saameyaan habdhaqankeena iyo sida aan nafteena u aragno. 


Dabeecadaha bulshadu waa ujeedo: is-dhaxgalkeenu wuxuu u adeegaa yoolal ama buuxiyo baahiyaha. Qaar kamida yoolalkeena ama baahiya guud waxaa kamida baahida loo qabo xiriirka bulshada,Rabitaanka inaan helno ama ilaalino maqaamka iyo baahida looqabo saaaxiibo wanaagsan. Sida dadku u dhaqmaan waxaa inta badan horseed u ah rabitaanka in la fuliyo baahiyahaan.

 [1] dadku waxay raadiyaan saaxiibo iyo lamaane jecel,waxay ku didaalaan iney helaan maqaam bulshadeed, waxayna isku dayaan iney fahamaan dhiirigalinta hagta dabeecadaha dadka kale. Xaaladahan waxay caawiyaan go'aaminta natiijada Marar badan,dadku waxay udhaqmaan siyaabo aad u kala duwan iyadoo kuxiran hadba xaaladda. Si aad si buuxda u fahanto sababta ay dadku u sameeyaan waxyaabaha ay san sameyn dadka qaar kood, waxaa lama huraana in la fiiriyo astaamaha shaqsiga , xaalada iyo micnaha gud iyo is dhaxgalka ka dhex jira bulshada oo dhan. Tussaale ahaan qof caadi ahaan u aamusan ayaa laga yabaa inuu u muuqdo mid soo dhawayn leh marka laguu maleeyo nuuc kamid ah kaalin hoggaamineed. Tussale kale ayaa ah sida dadku mararka qaarkood ugu dhaqmaan kooxo si kaduwan sidii ay yeeli lahaayeen hadii ay kaligood ahaan lahaayeen. Doorsoomayaasha bay'ada iyo xaladda door muhiim ah leh waxayna saameyn xoogan ku lahaan donaan habdhaqankaaga. Khubarada cilmi nafsiga bulshada ayaa sida caadiga ah u sharaxa dabeecada aadanaha inay ka dhalatay xariirka kadhaxeeya qaybaha maskaxda iyo xaaladda bulshada iyagoo baaraya xaaladaha ay ku hoos jiraan fikradaha dareenka iyo dabeecadaha,sida doorsoomayaashani u saameeyaan is-dhaxgalka bulshada. Cilmi-nafsiga bulshada ayaa soo afjaray farqiga u dhaxeeya cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada illaa heer,laakiin wali waxaa jira kala qayb sanaan u dhaxaysa labada mowduuc.si kastaba ha ahaatee habka cilmi nasiyeedka ee cilmi nafsiga ayaa wali ah wahel muhiima CILMI-NAFSI 120 cilmi nafsiga caadiga ah. [2] marka lagu doodo kala qaybsanaantta udhaxaysa cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada Waxaa jirra farqi xoojinta u dhaxeeya dhaqaatiirta cilmi nafsiga bulshada mareynka iyo yurub madaama kuwii hore dhaqan ahaan aad u diirada saareen shaqsiga ,halka kuwa dambana ay kawa duwan yihiin kuwii hore. Sidookale cilmi nafsiga Bulshada haday bartaan ama fahmaan wuxuu ka caawin karaa: Bulshadu waxay lee dahay wax la yiraahdo cilmi-nafsiga bulshada waana qaybaha ugu muhiimsan ee cilmi-nafsiga sidookale bulshada haday bartaaan cilmi-nafsiga waxaa u fududanaysa qodobadaan soo socda inay fahmaan : ▪ In uu is dhaxgal kooda siyaado • In ay goobaha wax barashada ay si fusdud uga bartaan In ay maan kooda kordho ama caqligooda siyaado • inuu wkhtigooda noqdo mid kooban. Intaas iyo in kabadan ay ku faa'idi karaan barashadiisa. *Sidookale barashada cilmi nafsiga waxay kaa caawineysaa inaad fahanto naftaada iyo dadka kale taas micnaheeda noqon karta mid aad ku qancisa oo horseedi karta xariir wanaagsan inaad la sameyso bulshada iyo qoyskaaga iyo asxaabtaadada Iyo dadka aad la shaqayso

Sunday, April 16, 2023

Characteristics of personality (Astaamaha shakhsiyadda )

: Astaamaha iyo qaababka fikirka iyo shucuurta ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay iyo sidoo kale astaamaha aasaaska u ah ayaa ah shakhsiyadd: Joogtayn: waxaa guuda ahaan jira amar la garan karro iyo joogtaynta dabeecaddaha. Asal ahaan dadku waxay u dhaqmaan si isku mid ah ama siyaabo la mid ah xaallado kala duwan. 

Cilmi-nafsiyeedka iyo jir-dhiska shakhsiga waa dhisme naf saani ah,laakiin cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa inay sidoo kale saameyn ku leedahay hababka bayoolojiga iyo bay’adda. Dabeecadda iyo felcelinta:shakhsiyaddu ma saameyno oo killiya sida uu qof dhaqmo waxay sidoo kale saameynaysaa meelo kale waxaana kamid ah dabeecadda qofka haddalada uu ku hadlaayo. Shakhsiyad gooni ah: dadka badanaa waxay lee yihiin dabeecaddo ka duwan dadka kale,sidoo kale dadkaan dabeecadda hooda way adag tahay in la fahmo. Qaabka dabeecada ee qofnimadd:

 Dabeecadda iyo shakhsiyadda waxay qofka u horrmariyaan inuu u dhaqmo si gaara ah,iyadoon loo  eegin xaalladda. Taas micnaheedu waa in sifooyinka ay ahaadaan kuwa joogta ah xaaladaha oo dhan iyo wakhti kadib,laakiin way kala duwanaan karaan shakhsiyaadka. Waxaa loo malaynayaa in shakhsiyaadka ay ku kala duwan yihiin. Qof walba wuxuu lee yahay dabeecad gooniya uu kaga duwan yahay dadk. Dabeecadda shakhsi ahaaneed waxay ka turjumaysaa qaabka fikirka ,dareenka iyo dabeecadda. Dabeecadda qofka waxay kamid tahay shakhsiyadda qofka, dadka dunidaan ku nool isku dabeecadd
maaha oo waa lagu kala duwan yahay dabeecadda. Saddex heer ee falanqaynta shakhsiyadda: Khubaradda cilmi-nafsiga waxay falaan qeeyeen saddex heer laba kamid ah ayaad ku baran doontaa Buugaan:

 • is-Ku fikir: waxaa jira sifo iyo farsamooyin caalami ah oo dadka ka dhiga is-ku mid ah Waxaa sidookale jirra dad isku fikir ah oo fikradahooda ay yihiin kuwa isku mid ah.

 • shakhsiyadda wanaagsan: qodobkaan waa qodob aad muhiin inoogu ah,maxaa yeelay dadkaan intooda badan waxay wax ka eegaan dhanka wanaagsan.

 • shakhsiyadda xun: qodob kaan waa qodob marnaba  aan loo baahnayn,maxaa yeelay qof rabba in shakhsiyad xunn lagu sheego majirro,sidookale dadkaan intooda badan wax wax ka eegaan dhanka xun oo waa dad shaadaashooda xun tahay Aragtidda shakhsiyadeed: Hal aragti oo caan ku ah shakhsiyadda aadanaha ayaa soo ifbaxay qarnigii 20aad,mid walbana wuxuu ka hadlayaa dhinacyo kala duwan oo ah koriinka nafsiyadda.

 Dib-umilicsiga aragtiyahaas iyo kuwa kaleba waxay u muuqdaan kuwa shakhsiyadeena saamey naaya. Freud aragtidiisa waxay ina baraysaa shakhsiyadda inay tahay wax isaga u qaaska ah oo micnaheedu tahay waxugaar ah: Shakhsiyaddu waxay saameyn ku yeelan kartaa qaabdhismeedka qofka ,sida laga soo xigtay freud “shakhsiyad waxay inta badan na tustaa qaabka qofka Bani-aadamka iyo hab fikir kiisa,sidookale qof wabla wuxuu leee yahay shakhsiyad gaar u ah asiga,yacnii dabeecad u oogini ah” Kala duwanaanta shakhsiyadda iyo qiimaha shakhsiyadda: 

Qofkasta oo aad aragto noloshaan adduunka waxa uu leeyahay shakhsiyad,nafsiyad hab-dhaqan iyo cilmi nafsi \ u gaara isaga oo aan ciddina la wadaagin ,koritaan kiisa dhalashadiisa iyo sida uu fikiraayana waa gaar ,isaga u qaasa oo aan lala waddaagin ,unug yadda dhiigisu waagaar siqaasa oo isaga kaliya u shaqeeeya ,waxa uu leeyahay Hidde-sidayaal iyo chromosome u gaara ,caarada farihiisu isaga ayay ugaar tahay ,midabka timihiisu asaga ayay ugaar tahay,dhanka guddahana waxa uu leeyahay shakhsiyad guuda ahaan ba balaayinta addunka ku dhaqan kaduwan oo isaga ugaara waa natiijo ka dhalatay hab nolaleed iyo qaab barbaaritaan oo isaga ugaara xitaa aanan mataanuhu wadaagin,waayo aragnimadda nolosha inaga hor imaanaysa iyo hab fikraddaha aan u maaray nayno dhibaatooyinka aan la kulmaynaana inaga aan dhaadanayn ayay shakhsiyadeena qaabeeyaan oo si cayiman u qaabeeyaan,sida uu wasteedku dhismihiisu u qaabeeyo oo kale Haddaba dhibaatadu maaha in dadku ay kala nuucyo duwan yihiin dhaabataduna maaha in midkasta oo naga mid ahi uu xaaladiisa nafsadeed iyo shakhsiyadiisa isaga ugaara leeyahay ee dhibaatadu waxay tahay waa in inteena ugu badan aynu kushafilino inuu qofku daah faydo oo ogaado waxa uu yahay sidda uu ufikiro shakhsiyadiisa gudaha iyo natiijadda ka dhalatay waa yihii nololeed ee uu soomaray ,yacnii inteena ugu badan shakhsiyadooda daaqiliga ah illaahay subxaanahu watacaalaa uu ku beeray,waxa aynu u qayb sanahay in isutaqaana inay dadka oo dhami kasitaan oo aanan cid lamid ahi jirin,iyo inaan waxay yihiin ba garanayn labaduba ay ku fashil meel daadi taanka iyo garashadda dhabta ah ee noloshooda sidookale  kufashilanaa inteena ugu badani inay nu fahano in dadka kale ee adduunka nagula dhaqan qof waliba uu leeyahay shakhsiyad gaara oo sigaara u fakaraysa inaguna aanayn ahayn inaynu aragtideena iyo afkaarteena ku dirqino oo ku qasabno ama inay inaga duwan yihiin oo aysan ra’yiga inagu waa faqayn aynu ku dhaliino ama ku colaadino,ogow nolosha inteeda kale ee guud dadka ayaad kala siman tahay oo kala mid tahay marka dhanka qaab nololeedka ay noqoto bulsho ayaad kasoojeedaa oo ku abtirsataa sashe shakhsiyad kuugaara oo aad majaaladda iyo laamaha nolosha midood siwanaagsan wax uga qaban ayaad leedahay arrin gaar ahna waad ku haboon tahay macdan gaara oo aad leedahay oo aanan daadina wayjirtaaye ogow macdan taadaasi nooca ay tahay baarbaar oo raadi shakhsiyadaada qarsoon ee markaad usoo jeesato inaad qof wax qabad leh noqoto si kaa muujineysa kadibna nolosha inta aad kaga haboon tahay kaga hagaag,marka xigtana ogow dadka kale qof waliba inuu kaa shakhsiyad duwan yahay sida illaahay uabuuray ku ixtiraam oo ku qaddari adiguna si qurxoon oo billaa buuqa ayaad u noolaaneysaa dadka illaahayna way kaa nabad galayaan,garo shakhsiyadaada daahsoon ee kuu qarsoon kadibna is aqoonso adigu qof wax qabad lehna noqo.

(PERSONALITY PSYCHOLOGY) CILMI-NAFSIGA SHAQSIYADA

  Waa maxay cilmi-nafsiga shaqsiyadda? cilmi nafsiga shaqsiyadda waa mid ka mid ah laamaha cilmi-nafsiga ee ugu waa weyn uguna caansan. Sidookale shaqsiyadu waa barashadda shakhsiyadda aadanaha iyo sida ay u kala duwan tahay shakhsiyaadka iyo dadka. 


Cilmi-nafsiga shakhsiga waa barashadda kobcinta shakhsiyadda iyo astaamaha shakhsiyeed. Sidookale cilmi-nafsiga shakhsiyada waxaa la baranaayay 2000 sano,waxayna bilaawatay Hippocrates  waxayna ku baah sanayd aragtida man-dorriyaha iyo aragtidda astaamah. Sidookale shakhsiyada waa laan cilmi-nafsi oo daraaseeya shakhsiyadda iyo kala duwanaashaha shaqsiyaadka. Waxay u jeedadu tahay inay muujiso sida dadku shaqsi ahaan u kala duwan yihiin. Sababo la’Xariira xogag nafsi saani ah.

 Meelaha diirada la saarayo waxaa ka mid ah: Baaritaanka dabeecadda aaddanaha iyo isu ekaanshaha nafsiyeed ee u dhaxeeya shakhsiyaadka. Shakhsiyaddu waxay kaloo tilmaameysaa qaabka fikiraddaha,dareenka hagaajinta bulshadda iyo dabeecaddaha si joog ta ah loo muujiyo wakhti kadib oo si xog leh u saameeya fillashooyinka qofka,isfahamka,qiyamka iyo dabeecadaha. Shakhsigu wuxuu kaloo saadaaliyaa fecelinta aadanaha ee dadka kale. Gordon Allport( 1937) wuxuu sharaxay laba siyaabod oo waaweyn oo lagu barto shakhsiyadda : miyir-beelka iyo hadal-haynta. Cilmu-nafsiga nomothetic-ku wuxuu raadiyaa sharciyo guud oo lagu dabaqi karro dad badan oo kala duwan,sida mabda’a is-dhaqaajinta ama astaamaha is-badelka. Cilmi-nafsiyeedku waa is kuday lagu fahmo dhinacyada gaarka ah ee shaqsi gaar ah. Ujeedada , Cilmi-nafsiga shakhsiga waa in la ogaado sababta ay dadka u kala duwan yihiin. 

 Caqiiqdadooda,dabeecadahooda,shakhsiyadooda. Nooc yada shakhsiyada: Daraasaad cilmi baaris oo lagu sameeyay hab-dhaqanka Bani’aadamka ayaa shakhsiyada aadanaha u kala saartay afar nooc 

 ● Rajo wanaagsan 

● Rajo xumo 

● kalsoonida

 ● xaasidnimo

 Rajo wanaagsan Qiyaastii 20% dadka dunida ku nool ayaa la aamin san yahay inay lee yihiin shakhsiyadaan ,qofka Hididilo leh xaalad kasta wuxuu ku sug nadaa rajo wanaagsan ,intaa waxaa sii dheer dadkaan waxay noqon karaa kuwa niyad jabsan xaaladaha qaarkood. 

Rajo xumo Qofka rajo-beelka ahi waxaa laga yabaa inuu ka shakiyo wax kastoo ku xeeran 20% dadka shakhsiyaadan leh ayaa la aamin san yahay ku nool yihiin dunida,sidookale dadkaan malahan Rajo wanaagsan laakiinse waxay lee yihiin Rajo xun, Tusaale dadkaan waxay Rajayaan Rajo  xun oo ma rajayaan Rajo wanaagsan ama waxay Rajay Haayaan ayaa ah wax wanaagsan.

 Kalsoonida Qiyaastii 20% dadka dunida ku nool ayaa la’aamin sanyahay inay lee yihiin shakhsiyadaan mid ka mid ah sifooyinka wanaagsan ee kalsoonida dadka waa inay aaminaan nafsadooda waa kalsoonida ugu wayn, waana sifo aad ugu wanaagsan inay u muuqataa shakhsiyad ay dad badani lee yihiin,inaad naftaada kalsooni ku qabto waa kalsooni kuu gaara waana shakhsiyad wanaagsan.

Xaasid nimo Tirada shakhsiyadaan leh way ku kala duwan tahay bulshada ,cilmi baaris la sameeyay ayaa looga hadlay shakhsiyadaan dadka leh 30% dadka dunida ku nool ayaa leh shaksiyadaan ,sidookale dadkaani waa dad aan ogolayn Hormarka dadka markay rabaan inay ka hortagaan dadka Hormarka waxay ku sameeyaan niyad jab aan dhamaad la hayn

 Micnaha loo la jeedo shakhsiyadda: Shakhsiyadda waa sifooyin firfircoon oo abaabulan oo uu lee yahay qofka si gaara u saameeya deegaankood,dareenka,dhiirigelinta iyo dabeecadaha xaaladaha kala duwan. 

Shakhsiyadda waxay ka soo jeedaa eray laatiin ee personal kaas soo loola jeedo maaskaro masraxeed. Shakhsinimadda “waa dabeecadd firfircoon oo habaysan oo uu lee yahay qofku si gaar ah u saameeyo deegaankiisa ,garashadda ,dareenka, dhiirigelinta iyo dabeecaddaha xaalladaha kala duwan erayga shakhsiyada ama qofnimo wuxuu ka yimid laatiin, oo micnihiisu yahay “maaskaro” Shakhsiyaddu waxay sidookale tixraacaysaa qaabka fikirka, dareenka,hagaajinta, dabeecadda si joogta ah loo soo Bandhigo wakhti kadib kuwaas oo si xoogan u saameeyo waxa uu qofku fillaayo ,sidda aragtidda, qiyamka,shakhsiyaddu waxay sidookale saadaalisaa falcelinta Bani’aadamka ee dadka kale ,dhibaatooyinka iyo walbahaarka.

 Barashadda shakhsiyadda: 

Barashadda shakhsiyaddu waxay lee dahay taariikh ballaaran oo kala duwan xagga cilmi nafsiga ,oo leh caddooyin aragtiyeed oo badan. Aragtiyadda ugu waa wayn waxaa kamid ah aragtidda (sifadda ) aragtidda nafsiga ah ,cilmi nafsiga, bayoloojiga, dabeecadd ya-qaanka ,kobcinta iyo aragtidda barashadda bulshadda Shakhsiyadda waxay lee dahay taariikh ballaadhan oo kala duwan xagga cilmi-nafsiga,oo leh caddoyin aragtiyeed oo fara badan. Aragtiyadda ugu weyn waxaa ka mid ah aragtida ka-Bixitaanka (sifo), cilminafsiyeedka,Bani-aadanimada,bayoolojiga,dabeecadda, aragtidda horrumarineed,iyo aragtidda barashadda bulshadda. Si kastaba ha ahaatee,cilmi-barayaal badan iyo cilmi- nafsi yaqaano badan si cad uma tilmaamaan naftooda aragti gaar ah oo halkii ay ka qaadan la hayeen hab-isku dhafan. Sidookale in qof walba shakhsiyadiisa leh Cilmi-nafsiga bulshadda iyo cilmi-nafsiga shakksiga: Cilmi-nafsiga bulshadda iyo cilmi nafsiga shakhsiga waa noocyo kamid ah cilmi-nafsiga tijibaada taas oo micnaheedu tahay in guud ahaan labaduba xan baar San yihiin Horumarinta iyo ballaarinta aragtiyaha marka la eego sida loogu dabaqi lahaa aragtiyahaas dunidan la taaban karro. Labaduba waxay nabarayaan hab-dhaqanka heer bulsho iyo mid gaara ahaaneed.

 Meelaha ay isku midka ka yihiin : Cilmi-nafsiga bulshadda iyo cilmi-nafsiga shakhsi ahaaneed waxay isku mid ka yihiin ama iska-shabahaan Cilmi-nafsiga wuxuu caan ku hayhay marka bulsho badan meel isugu timaaddo waxaan aragnaa qof bulshaawi ah oo furfuran yacnii qofkaas marka shakhsiyan waa qof furfuran,qofkaas labadaba waa isku darsaday, cagsigeeda bulshaddu haday meel isugu timaaddo waxaan inta badan aragnaa qof iska aamusan, yacnii qofkaas xagga bulshadda wuu ka xirxiran yahay midda shakhsidda ah ayaddana waa qof aan lafahmi karrin,bulshadda iyo  shakhsi ahaan tiisaba waa ka xirxiran yahay. Marka labadaa qof ayaan tusssaalle u soo qaatay waxaan darreemayaa inaad fahantay akhriste

Saturday, April 15, 2023

The man who speaks a lot and the man who speaks a little ,who possesses women's hearts (Ninka Hadalka badann iyo ninka Haddalka yar midkee Hanta qalbiyada dumarka:

 Ninka Hadalka badann iyo ninka Haddalka yar midkee Hanta qalbiyada dumarka:

Muddo toban sano kudhawaad ah ayaa khubaro u dhalatay dalka kanada oo baadhitaan ku hayay nooca ragga ee dumarku ka helaan, ayaa la sheegay in Raggu hadalkooda yar yahay ee kalmadaha gaagaaban adeegsadda ay soo jiitaan dumarka,

 islamarkaana Hantaan qalbiyadda haweenka,iyadoo dumarku aamin sanyihiin in hadal yaraantu tahay astaan muujineysa ragganimadda qofka ama ninka. 

Haweenka oo celcelis ahaan hadalkoodu ku soo labanlaamayo ragga,ayaa maskaxdoodu u sameysan tahay in hadalku si xowli ah u socdo,iyagoo khubarado sheegay marka haweynaydu la kulanto nin hadal badan waxay aaminaysaa in uusan lahayn ragganimo wayn,mana daneeyaan ninka saas u hadal badan,halka ragga aad ka u hadalka yar ay dumarku aad ugu dhag nuglaadaan. 

Cilmi-baarayaasha reer kanada ah ayaa sidookale baaritaan ku sameeyay,codka ragga kalmahadaha ay isticmaalaan iyo lahjadaha ay adeegsadaan ayaa la ogaaday in haweenku ay jecel yihiin ragaas Ragga codka dhaadheer iyo haweenka codkooda si fiican loo maqlo ayaa noqday kuwa dunida ugu soo jiidashada badan.

Awooda aamusnaanta: ( Silent power:)

 Xiga shooyin ka turjumayaa awooda aamusnaanta qof kasta ma fahmi karro,maxaa yeelay aamusnaantu way adagtahay in lafahmo,laakiin waa micno buuxa. 

 EdgaR Allan poe Aamusnaantu maahan mid faaruq ah,waxaa ka buuxo jawaabo Aamusnaantu mabanaana,jawaabo ayaa ka buuxa Anonymous Aamusnaanta waligeed ah ee meelahaas Aan dhamaadka lahahyn ayaa iganixisa. 


Aamusnaantu ma waydiiso su’aallo ,laakin waxay na siin kartaa jawaab wax walba. Ernst fersti Aamusnaanta ayaa kamidd ah doodaha ugu dagan ee ladiido Billasha josh. Inkasta oo aamusnaantu waayo aragnimo bani ‘aadam oo caadi ah suurta galna ah haddana inaad u muuqato qof aamusan mararka qaar waxay kaa dhigaysaa qof dadka adagtooda ka noqda mid cuqdad qabba ama mid isla wayn iyo wixii lamid ah laakiin waxaa qiiiqa inaad u muuqanayso qof awood leh isla markaana aad loo tixgaliyo oo aan lagula dhicin ficilladda qaar

 1: maxay dadku u qiimeeyaan qofka aamusan markasta? Mararka qaar ee aad bulshadda ku dhax jirto sidda goob waxbarasho goob shaqo ama kulan caadi ah inaad inta badan aamusan tahay oo aanayn badnayn hadalkaaga iyo kaftankaagu waxay kaa dhigaysaa qof awood leh oo qofkastaa xiisaynayo qaddarin badana u hayo la kulan kiisa iyo la macaamilkiisaba taasna waxaad ku kasbatay inaa tahay qof aan haddal badnayn oo muhiimadda ka hadla kaftankiisuna xaddidan yahay . 

2: qiimaha qoyska u hayaan qofka aamusan badan waxaa jirta inay qoysku ama reerka ay aad u qaddariyaan qofka aamusan badan oo aan loo gacan dhaafin waxyaabaha wax yaabihiiska u qaaska ah taasoo sababteeda tahay inay qofka ka aamin san yihiin qofkaan iyaga ka duwan ee aan caruurta lamidka ahayn ee dabeecadda adag markastana waxay waalidku u sheegaan qoyska intiisa badan ,hebal ama heblaayo inuu yahay ama ay tahay qof dabeecad xun sidaas darteed inaga ilaa liya wixiisa ,xitaa anagu anagu soomaali ahaan aad baynu u qaddarinaa qofka reerka kamid ka ah ee aamuska badan inta badana tallada ugu muhiim san ayaa la waydiyaa qofkaas sabtuna waxkale maaha we waa inuu yahay qofaan hadal badnayn ee dantiisa uun yaqaana 

3:xariirka ka dhexeeya aamus naata iyo kalsoonidda naftta inta badan qofka ay kalsoonidda naftiisa ay sarrayso ee anan ahayn qof daciif ah oo jicilsan ama u muuqdda inuu yahay mid awood gaara leh oo dadku qiimeeyaan waxaa kow ah inuu yahay qofaan haddal bayn oo aamusan badanka sidaas darteed hadaad u fiirsato dadka nuucaan ah ee aad taqaano dhamaantood waxay waddaagaan qodobkan ah inuu yahay qof naftiisa jecel oo aad u koolkoliya mararka qaarna waxaad arkaysaa isagoo kaligii meel fadhiya kuna qanacsan inaanayn ciddi ka ag dhawayn

 4: ma ogtahay inay dumarku aad u daneeyaan qofkaan?  Waxaa hubaal ah in dadka nuucaan ahi is waydiin badan ku keenaan dumarka ka ag dhow sida kuwa wax la barta kuwa la shaqeeya ama kuwa dusha ka yaqaana iyo kuwa ay isku cusub yihiin dhamaantood sabab too ah dumarka inta badan waxay arkaan niman haddalka kaga horray naya kaftanka kaga horraynaya inay taleefanka ka qorta ka codsanaya inay aad u daneynaya tussaya kadibna inantii intaasoo dhan arkaysay niman nuucaasa markay aragto nin aamusan oon waxba waydiinin la hadlin salaamin eegin xitaa danayn inay inani meesha joogto iyo in kale oo tiisa uun ku mshquulsan ,aad bay usi waydiiyaan ninka nuucaan ahi dumarku markay arkaan ama la kulmaan taasina waxay ku keentaa gabadha inay aad maskaxdeedu isku waydiiso muxuu yahay qofka nuucaan ahi illeen horray uma arkin shakhsiyadda nuucaan ah ee waliba ninka ah taasina waa sababta ama awoodda ay leedahay aamusnaantu ,Hadday raggu fahmi lahaayeen qodobkaana wakhti kumay bixiyeen inay hablaha daba ordaan iyaga baan ban noqon lahaa qaar aragtidda koobaad kasbadda inanta maskaxdeedana ku beera is waydiin badan 

5: maxaa looga xishoodda qofka aamuska badan? Waxaa jirta qofkaan oo kale qofkasta oo ay is yaqaanaan wuu maamuusaa qiimeeyaa qaddariyaa tixgeliyaa marka uu dadka meel la joogana aad baa looga danbeeya oo looga xiishooddaa waayo qofkani isagaa kasbaday in dadku nucaan u la dhaqmaan xitaa mararka qaar waxaad arkaysaa iyadoo la leeyahay hebel hadduu maqlo waxaaas ,waxaa laga yabaa inuu si adag inoola hadlo sababtuna wax kale maaha ee hebal ama heblaayo waa  qof aamus badan tanina kama dhigna inaynu dadka haddaka badan meelaha dhacayno ee iyaga qudhooda waxaynu lee nahay hadalka badan yarraysta oo gaagaabiya kalmaddaha markaad hadlaysaana shaaan dheeya haddalkiina ,

Haddi aynu eegno sugaanta soomaaliyeed waxay ka tirri hadal badnaanta ,waa kii abwaan hadraawi lahaa “ sirta nolosha halkay dooni soddan yasan kaa qaadan “ intaa kadib waxaan ku leeyahay akhriste xitaa haddi lagu caayo lagu aflagaadeeyo kalliya ka aamus qofkaas oo ka dhaqaaq taasina waa awood qarsoon

Friday, April 14, 2023

(PSYCHLOGY SILENCE) - CILMI NAFSIGA AAMUSNAANTA

 Waxaan aragnaa qaar kamida ah dadka oo runtii u muqda kuwo aan raaxo lahayn rajada laga qabo iney aamusnaandaan.marka la fiiriyo dhamaadka xilliyada dib-unoqoshada,aamusnaanta qaar kamida dadka waxay  ku raaxaystaan aamusnaanta,halka kuwa kale ay san jeclayn.


 Aamusnaanta ayaa la ogaaday iney kicineyso koritaanka maskaxda : sanadkii 2013,daraasad lagu sameeyay qaab dhismeedka maskaxda iyo shaqadda ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan laba saacadood oo aamusnaan ah ay kadhalan karto abuuritaanka unugyo cusub oo maskaxda ku xiran bĂ rashada iyo dib u soonoqoshadda. Waxaa kale oo suurta gal ah in aamsunaantu,marka qaar ay haboon tahay inaad aamusnaanto. 

Waxaa cad in aamusnaantu ay awood u leedahay,sida awood kasta oo kale waxaa loo isticmaali karaa in lagu xanuujiyo ama lagu bogsiiyo oo laga yabee iney tani tahay sababta ay dadku si kala duwan uga jawaabaan. Micnaha aamusnaanta waa kalinimo,gooni-isku tug ama qallafsanaan.waxaa loo isticmaali karaa in lagu muujiyo kabixitaanka shucuurta,diidmada ama xitaa ciqaabta. 

Erayga aamusnaan waxaa inta badan loo-adeegsadaa micno darro: Shirqool aamusnaan ah,kor u qaadida xijaabka aamusnaanta. Addunka mshquulka badan,ee buuqa badan ayaa u muuqda iney ka baqaan aamusnaanta. Aamusnaanta micnaheedu waa kaalinimo,gooni-usocod ,qalafsanaan intaas oo micno kabadan ay leedahay aamusnaantu. 

 Faa’iidooyinka cilmi-nafsiga aamusnaanta: 

Faa’idooyinka waxaa ka mid noqonn karra hal-abuurnimo,diirada saarid,is-xakameyn,wacyigalin nafeed. Aamusnaanta waxaa loo isticmaali karraa si togon iyo si dadban ba sidaa derteed waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirkeena. Badankeenu waxaan si cad u xaqiijinaa farqiga u dhaxeeya aamusnaanta aan la ogolayn iyo tan xaqiijineysa in waxa aan sheegayno si dhaba loo dhagaysto. Adeegsiga aamusnaanta waa micno badantahay mararka qaar aamusnaanta faa’ido ayay nooleedahay,wakhti waaxu joognaa ay na an facayso Soomaalidii hoorre maahmaah ay kaga hadleen aamusnaanta *(Af daboolan waa dahab) oo micnaheedu yahay qof aamusan afkiisu waa dahab sababtoo ah Mar walba hadaad hadal badantahay micno gooniya mayeelanayo hadalkaaga,ugu dambayna waxaad ku dhici dontaa god oo waad fashilmi doontaa. Allaah(sw) waxa uu quraankiisa ku yiri”Hadii ay kulla hadlaan jaahiliintu kudheh Nabad galyo”(yacnii hala sii doodin)” Suubanaheen(NNkH) waxa uu xadiith ku yiri “wax qayr ah ku hadal ama iska aamus”. Xikmad ayaa oranaysa “CARABKAAGU WAA ABEESO EE YOWSAN KUQANiiN” CILMI-NAFSI 100 Xikmad kale ayaa na dhahaysa “BADANAA INTA GEESI LAGA BAQI JIRAY OO LOO DILAY CARAB KIISA AWADIIS QABRI KU JIRA”. Waxaad ogaataa aqristow hadii Hadalku yahay qalin AAMUSKUNA Waa Dahab. Maahmaah daan soomaaliyeed aayaa tiri “CAQLIGAAGA iyo CILMIGAAGA YAR AAMUSNAANTA Ayaa Lagu kabaa” Qofka wanaagsani waa qofka aamusnaanta badan waayo aamusku waa xigmad. Waxa aad kunabad gali kartaa adduun iyo aqriraba waa inaad afkaaga ilaashataa Maalinta qiyaame ee Baaxada wayne wax alle wixii aad hadal sheegtay waa lagu horkeeni donaa xasuusnow aqriste

Where women look at men from the first perspective (psychology) ---Meelaha ay dumarku Ragga ka eegaan Aragtida koobaad (cilmi-nafsi)

 Sida aynu wadda ognahay dumarku waa dad aragti dheer marka la joogo dhanka Ragga gayaan kooda ah ee ay Haddal wadaagta yihiin ama Haasaawe mideeyo sidookalana waa dad aad ugu fiican u fiirsiga dagdaga ah iyo ka felcelinta dhanka Ragga marka la joogo kulanka ama aragtidda koobaad Haddaba Buugan waxaaad ku Baran doontaa Habka ay dumarku u kala shaan dheeyaan Ragga iyo dooqyo badan ay ka mid yihiin,anigoo ka soo qaadaya shan nuuc oo ay inta badan wadaagaan dumarku kana midaysan yiniin: 

1: labiska ama xaragadda dusha: marka ay inantu aragto ninka waxay aragtidda koobaad isha kudhufataa qaabka uu u lamisan yahay iyo zarragadda ka muuqatta sidda labiska uu xiran yahay midabkiis inuu saacad xiran yahay kabihiisa muraayaddaha ama oo kiyaalaha indhaha Iwm,marka intaa laga yimaado wasay iyaduna ka qayb qaadataa xaalka uu markaas ku sugan yahay markii ay gabadhu indhaha ku dhufatay miyuu fadhiyay miso wuu taagnaa masoconayay madad buu usheekay nayay misa taleefan buu ku hadlaayay. 

2: qaab-dhismeedka jirkiisa: sidaynu wadda ognahay qof kasta wuxuu jecelyahay qof qaab-dhismeed qurux badan leh oo indhahaaga iyo kuwa dadka kalaba soo jiidanaya tanina waxay ka qayb qaadanaysaa eeg madda ay dumarku iu qiimeeyaan Ragga aragtidda koobaad sidookale waxaa iyaguna jirra aragtiyo ay dumarku ku kala duwan yihiin oo aaanan uga Hadlin Buugani laakiin waxaan si guud uga Hadlayaa meelaha ay isku-mid ka yihiin .

 3:Timihiisa: inkastoo dumarku ay ku kala duwan yihiin Aragtidaan,qaabka ninka timaha u jarto ama xiiseeyo ,laakiin Timihiisa iyo nuuca ay u jaran yihiin waxay qayb wayn ka qaataan eeg madda dumarku ku qiimeeyaan aragtida Hore ama aragtidda koobaad,laakiin badan kood waxay isku-raac san yihiin sidda yara kala-sarraysa u jarta ee aan aadna u dheerayn aadna u gaabin ,anigoo ka tagaynin dhankii garkana sidookale Habluhu ma jecla ninmaka garka wayn ee waxay ka helaan garka sidda qurruxda badan ujaran ee aan waynayn qaarkoodna garkaba kama helaan ama ma jecla waxayna ka mid tahay aragtiyaha ama dooq yadda lagu kala duwan yahay. 

4: indhihiisa ;waxaa jirta mid ay dumarku isku wadda raac san yihiin oo ah inay ka helaan Ragga indha waaweyn leh indhaha ninku inay waaweyn yihiin waxay ka qayb qaadataa soo jiidashada aragtidda koobaad ee gabadha,inkastoo aynan abuuritaanks illaahay ku gafaynin Haddana waa mid zaqiiqa ah tanni waayo  sugaan badan oo soomaaliyeed baa Haweenka indhahooda amaantay laakiin maadaama dhaqankeena Suuban uusan Ragga amaanin oo aysan Ragga amaanta lahayn ,oo Ragga geesinimadda iyo deeqsinimadda iyo Haddal yaqaan nimadda iyo aftahan nimadda loo daayay Haddana wakhtigan dambe dhalin tan joogta badan koodu siyaabo kale ayay u eegaan quruuxdda iyo doorashadda gayaanka waana lagu kala duwan yahay Badanka Rag iyo dumarba taas ,maadaama uu wakhtigii is badelay Hablihiis Hore qudhoodu amaano tirro badan oo gaara ayay la haaueen,laakiin Hadda wakhtigaan aan joogno waxkasta sidii Horre maaha oo waynu lasoconaa taas,maadaaama uu na Hugaaminayo is-bedelka xiligga oo aan Halkii horre lagu dhaganaan karrin . 

5:Socodka: socodka ninku wuxuu qayb wayn ka qaataa Hubqaadkiisa iyo Haybo bodiisa ninba ninka uu ka socodka wacan yahay wuu ka soo jiidasho badan yahay xagga dumarka waayo dumarku ma jecla ninka dheereeya ee socodka booba ama sidda dag daga ah usocda ee waxay ka helaan ninka ku qarragooda socodka ee sidda dagan usocda in markii ay gabdhu indhaha kugu dhufatay aad soconaysay ama tilaab sanaysay waxay maskaxdeeda ku keentaa xasuus iyo hal qabsi xitaa Haday hablo badan kugu arkeen xiligaa waxay qaarkood xasuusanayaan oo ay oranayaan Alla ma inankii socodka wanaagsana baa ,Hadaba taas waxay noo iftiiminaysaa socodku inuu isku koobsanay aragtidaada koobaad. 

6: Haddalada dabac san: waa qodob ay dumarku badnkood ay xooga saaran,Ragga hadalka dabac san leh dumarka qaarkood way ka helaan,kadibna waxay aaminaan  inuu nin fiican yahay oo ay san Hadal xumi ka soo bixin,Halka ay san dumarku jeclayn Ragga hadalka qalafsan ama Ragga aan Haddalada fiican adeegsan. 6: Hab-dhaqan: dumarka qaar waxay marka Horaba eegaan hab-dhaqanka ninka, kadib marka ay ku qancaan ayay is-tusaan inay muddan tahay,meelaha ay dumarku hab-dhaqanka ka eegaan waxaa kamid ah qaabiliadda,salaanta,ixtiraamka,dabeecad,dulqaadka,ha dalada wanaagsan,qaddarinta,balan ilaalinta degenaanta,iyo sifooyinka wanaagsan ee muujiyo ninku.

 7: Afmiishaar nimo: waa calaamad kale oo eegaan dumarku marka ninku sheekaynayo,Haduu afmiishaar yahay wuxuu isticmaalaa hadallo iyo erayo macaan oo isku toosan,taasina waxay dhexqaadaa qalbiga gabadha,waxayna kubiirtaa xiiso gaar ah,oo ay ninkaas uhayso,Horra loo yiri “afmiishaarnimaddu musixirnimo” Ragga afmiishaarinta ahi waxay sameeyaan dhacdooyin iyo sheekooyin iyo been iyo khiyaali ku dhasan,oo ay kusoo jiitaan Haweenka,way adag tahay in sheekadiisa been la moodo,waayo qaabka iyo siduu u dhigay ayaa heer sare ah. Raggaan gabadhii la sheekaysa waxay sicad u qiimaynaa haddaladiisa iyadoon kafiirin meelaha kale kaliya uun ka qiimeysay hadlka uu adeeg sanayo. 

8: furfurnaanta: qodobka kani guudahaan dumarka badankoo wuxuu uleeyahay qiimo 80% furfurnaantu raga waxay u saamaxaysaa inay cidkasta la hadlaan una sheekeeyaan. Dumarka qaar waxay neceb yihiin Ragga xirxiran oo aan cidna la-fal gelin “dumar waa sheeko” waxaan ula jeedaa  dumarku waxay jecelyihiin nin inta badan usheekeeya mid kamid ah daraasado lagu sameeyay waxaa kamid waxay oranaysaa dumarku ma’aamusi karaan muddo toban daqiiqo wax ka badan,intaas wixii kabadan waxay bilaabaan sheeko ,marka qodob kaan waa mid saamayn kuleh dhinaca dumarka. 

9: ninka jooga dheer: qaab-dhismeedka dheer ee raggu waxa ay kamid tahay astaamaha sida wayn Haweenku u qiimeeyaan,Ragga leh joog iyo qaab-dhismeed dheer aad ayay haweenku ujecel yihiin ,waxaana la sheegayn in Raga dhaadheer noqdaan kuwa ugu saamaynta badan soo jiidashadda haweenka marka la barbar dhigo Ragga gaagaaban,Haween badan oo dookha Ragga la waydiiyay waxay ubateen inay jecelyihiin Ragga dhaadheer. 



10: Ragga jidh ahaan xoogan
: waa astaan casrigan si wayn u tixgaliyaan dumarka wakhtigaan jooga,Haween badan ayaa wax laga waydiiyay dookha Ragga waxay si dhib yar uga jawaabeen inay jecelyihiin Ragga muruqyada waaweyn ama jidh ahaan udhisan. Muruqyadda caloosha ,gacmaha iyo garbihiisuna duuban yihiin. Haweenka casrigan ma jecla Ragga buuran ama cayilan ee aan murqohoodu duubnaynin ,waxayna si hab-sami leh u neceb yihiin Ragga caloosha leh. Ragga waxaan leeyahay socodka iyo labiska inaga Habeeya Hablahana waxaan leeyahay quruxda waa asturnaanta ee

Characteristics of a good leadership (Astaamaha Hoggamiyah wanaagsan)

 Dhamaan Hoggaamiyeyaasha wanaagsani Waxay adeeg saddaan ugu yaraan qaarkamida astaamahaan Wadda jir ahaan,waxay ka kooban yihiin laf-dhaba...