Cilmi nafsiga bulshada waa laan cilmi-nafsiyeed oo khusaysa sida saamaysan San tahay bulshada sida dadka u fikiraan,u dareemaan, una dhaqmaan. Sida aan nafteena u aragno ee la'xariirta adduunka intiisa kale Ayaa door muhiima ka ciyaarta xulashooyinka,dabeecadaha iyo caqiidoyinka. Taa badalkeeda fikradaha dadka kale waxay saameyaan habdhaqankeena iyo sida aan nafteena u aragno.
Dabeecadaha bulshadu waa ujeedo: is-dhaxgalkeenu wuxuu u adeegaa yoolal ama buuxiyo baahiyaha. Qaar kamida yoolalkeena ama baahiya guud waxaa kamida baahida loo qabo xiriirka bulshada,Rabitaanka inaan helno ama ilaalino maqaamka iyo baahida looqabo saaaxiibo wanaagsan. Sida dadku u dhaqmaan waxaa inta badan horseed u ah rabitaanka in la fuliyo baahiyahaan.
[1] dadku waxay raadiyaan saaxiibo iyo lamaane jecel,waxay ku didaalaan iney helaan maqaam bulshadeed, waxayna isku dayaan iney fahamaan dhiirigalinta hagta dabeecadaha dadka kale. Xaaladahan waxay caawiyaan go'aaminta natiijada Marar badan,dadku waxay udhaqmaan siyaabo aad u kala duwan iyadoo kuxiran hadba xaaladda. Si aad si buuxda u fahanto sababta ay dadku u sameeyaan waxyaabaha ay san sameyn dadka qaar kood, waxaa lama huraana in la fiiriyo astaamaha shaqsiga , xaalada iyo micnaha gud iyo is dhaxgalka ka dhex jira bulshada oo dhan. Tussaale ahaan qof caadi ahaan u aamusan ayaa laga yabaa inuu u muuqdo mid soo dhawayn leh marka laguu maleeyo nuuc kamid ah kaalin hoggaamineed. Tussale kale ayaa ah sida dadku mararka qaarkood ugu dhaqmaan kooxo si kaduwan sidii ay yeeli lahaayeen hadii ay kaligood ahaan lahaayeen. Doorsoomayaasha bay'ada iyo xaladda door muhiim ah leh waxayna saameyn xoogan ku lahaan donaan habdhaqankaaga. Khubarada cilmi nafsiga bulshada ayaa sida caadiga ah u sharaxa dabeecada aadanaha inay ka dhalatay xariirka kadhaxeeya qaybaha maskaxda iyo xaaladda bulshada iyagoo baaraya xaaladaha ay ku hoos jiraan fikradaha dareenka iyo dabeecadaha,sida doorsoomayaashani u saameeyaan is-dhaxgalka bulshada. Cilmi-nafsiga bulshada ayaa soo afjaray farqiga u dhaxeeya cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada illaa heer,laakiin wali waxaa jira kala qayb sanaan u dhaxaysa labada mowduuc.si kastaba ha ahaatee habka cilmi nasiyeedka ee cilmi nafsiga ayaa wali ah wahel muhiima CILMI-NAFSI 120 cilmi nafsiga caadiga ah. [2] marka lagu doodo kala qaybsanaantta udhaxaysa cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada Waxaa jirra farqi xoojinta u dhaxeeya dhaqaatiirta cilmi nafsiga bulshada mareynka iyo yurub madaama kuwii hore dhaqan ahaan aad u diirada saareen shaqsiga ,halka kuwa dambana ay kawa duwan yihiin kuwii hore. Sidookale cilmi nafsiga Bulshada haday bartaan ama fahmaan wuxuu ka caawin karaa: Bulshadu waxay lee dahay wax la yiraahdo cilmi-nafsiga bulshada waana qaybaha ugu muhiimsan ee cilmi-nafsiga sidookale bulshada haday bartaaan cilmi-nafsiga waxaa u fududanaysa qodobadaan soo socda inay fahmaan : ▪ In uu is dhaxgal kooda siyaado • In ay goobaha wax barashada ay si fusdud uga bartaan In ay maan kooda kordho ama caqligooda siyaado • inuu wkhtigooda noqdo mid kooban. Intaas iyo in kabadan ay ku faa'idi karaan barashadiisa. *Sidookale barashada cilmi nafsiga waxay kaa caawineysaa inaad fahanto naftaada iyo dadka kale taas micnaheeda noqon karta mid aad ku qancisa oo horseedi karta xariir wanaagsan inaad la sameyso bulshada iyo qoyskaaga iyo asxaabtaadada Iyo dadka aad la shaqayso
No comments:
Post a Comment