: Astaamaha iyo qaababka fikirka iyo shucuurta ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay iyo sidoo kale astaamaha aasaaska u ah ayaa ah shakhsiyadd: Joogtayn: waxaa guuda ahaan jira amar la garan karro iyo joogtaynta dabeecaddaha. Asal ahaan dadku waxay u dhaqmaan si isku mid ah ama siyaabo la mid ah xaallado kala duwan.
Cilmi-nafsiyeedka iyo jir-dhiska shakhsiga waa dhisme naf saani ah,laakiin cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa inay sidoo kale saameyn ku leedahay hababka bayoolojiga iyo bay’adda. Dabeecadda iyo felcelinta:shakhsiyaddu ma saameyno oo killiya sida uu qof dhaqmo waxay sidoo kale saameynaysaa meelo kale waxaana kamid ah dabeecadda qofka haddalada uu ku hadlaayo. Shakhsiyad gooni ah: dadka badanaa waxay lee yihiin dabeecaddo ka duwan dadka kale,sidoo kale dadkaan dabeecadda hooda way adag tahay in la fahmo. Qaabka dabeecada ee qofnimadd:
Dabeecadda iyo shakhsiyadda waxay qofka u
horrmariyaan inuu u dhaqmo si gaara ah,iyadoon loo eegin xaalladda.
Taas micnaheedu waa in sifooyinka ay ahaadaan kuwa
joogta ah xaaladaha oo dhan iyo wakhti kadib,laakiin way
kala duwanaan karaan shakhsiyaadka.
Waxaa loo malaynayaa in shakhsiyaadka ay ku kala
duwan yihiin.
Qof walba wuxuu lee yahay dabeecad gooniya uu kaga
duwan yahay dadk.
Dabeecadda shakhsi ahaaneed waxay ka turjumaysaa
qaabka fikirka ,dareenka iyo dabeecadda.
Dabeecadda qofka waxay kamid tahay shakhsiyadda
qofka, dadka dunidaan ku nool isku dabeecadd
maaha oo
waa lagu kala duwan yahay dabeecadda.
Saddex heer ee falanqaynta shakhsiyadda:
Khubaradda cilmi-nafsiga waxay falaan qeeyeen saddex
heer laba kamid ah ayaad ku baran doontaa Buugaan:
• is-Ku fikir: waxaa jira sifo iyo farsamooyin caalami ah oo dadka ka dhiga is-ku mid ah Waxaa sidookale jirra dad isku fikir ah oo fikradahooda ay yihiin kuwa isku mid ah.
• shakhsiyadda wanaagsan: qodobkaan waa qodob aad muhiin inoogu ah,maxaa yeelay dadkaan intooda badan waxay wax ka eegaan dhanka wanaagsan.
• shakhsiyadda xun: qodob kaan waa qodob marnaba aan loo baahnayn,maxaa yeelay qof rabba in shakhsiyad xunn lagu sheego majirro,sidookale dadkaan intooda badan wax wax ka eegaan dhanka xun oo waa dad shaadaashooda xun tahay Aragtidda shakhsiyadeed: Hal aragti oo caan ku ah shakhsiyadda aadanaha ayaa soo ifbaxay qarnigii 20aad,mid walbana wuxuu ka hadlayaa dhinacyo kala duwan oo ah koriinka nafsiyadda.
Dib-umilicsiga aragtiyahaas iyo kuwa kaleba waxay u muuqdaan kuwa shakhsiyadeena saamey naaya. Freud aragtidiisa waxay ina baraysaa shakhsiyadda inay tahay wax isaga u qaaska ah oo micnaheedu tahay waxugaar ah: Shakhsiyaddu waxay saameyn ku yeelan kartaa qaabdhismeedka qofka ,sida laga soo xigtay freud “shakhsiyad waxay inta badan na tustaa qaabka qofka Bani-aadamka iyo hab fikir kiisa,sidookale qof wabla wuxuu leee yahay shakhsiyad gaar u ah asiga,yacnii dabeecad u oogini ah” Kala duwanaanta shakhsiyadda iyo qiimaha shakhsiyadda:
Qofkasta oo aad aragto noloshaan adduunka waxa uu leeyahay shakhsiyad,nafsiyad hab-dhaqan iyo cilmi nafsi \ u gaara isaga oo aan ciddina la wadaagin ,koritaan kiisa dhalashadiisa iyo sida uu fikiraayana waa gaar ,isaga u qaasa oo aan lala waddaagin ,unug yadda dhiigisu waagaar siqaasa oo isaga kaliya u shaqeeeya ,waxa uu leeyahay Hidde-sidayaal iyo chromosome u gaara ,caarada farihiisu isaga ayay ugaar tahay ,midabka timihiisu asaga ayay ugaar tahay,dhanka guddahana waxa uu leeyahay shakhsiyad guuda ahaan ba balaayinta addunka ku dhaqan kaduwan oo isaga ugaara waa natiijo ka dhalatay hab nolaleed iyo qaab barbaaritaan oo isaga ugaara xitaa aanan mataanuhu wadaagin,waayo aragnimadda nolosha inaga hor imaanaysa iyo hab fikraddaha aan u maaray nayno dhibaatooyinka aan la kulmaynaana inaga aan dhaadanayn ayay shakhsiyadeena qaabeeyaan oo si cayiman u qaabeeyaan,sida uu wasteedku dhismihiisu u qaabeeyo oo kale Haddaba dhibaatadu maaha in dadku ay kala nuucyo duwan yihiin dhaabataduna maaha in midkasta oo naga mid ahi uu xaaladiisa nafsadeed iyo shakhsiyadiisa isaga ugaara leeyahay ee dhibaatadu waxay tahay waa in inteena ugu badan aynu kushafilino inuu qofku daah faydo oo ogaado waxa uu yahay sidda uu ufikiro shakhsiyadiisa gudaha iyo natiijadda ka dhalatay waa yihii nololeed ee uu soomaray ,yacnii inteena ugu badan shakhsiyadooda daaqiliga ah illaahay subxaanahu watacaalaa uu ku beeray,waxa aynu u qayb sanahay in isutaqaana inay dadka oo dhami kasitaan oo aanan cid lamid ahi jirin,iyo inaan waxay yihiin ba garanayn labaduba ay ku fashil meel daadi taanka iyo garashadda dhabta ah ee noloshooda sidookale kufashilanaa inteena ugu badani inay nu fahano in dadka kale ee adduunka nagula dhaqan qof waliba uu leeyahay shakhsiyad gaara oo sigaara u fakaraysa inaguna aanayn ahayn inaynu aragtideena iyo afkaarteena ku dirqino oo ku qasabno ama inay inaga duwan yihiin oo aysan ra’yiga inagu waa faqayn aynu ku dhaliino ama ku colaadino,ogow nolosha inteeda kale ee guud dadka ayaad kala siman tahay oo kala mid tahay marka dhanka qaab nololeedka ay noqoto bulsho ayaad kasoojeedaa oo ku abtirsataa sashe shakhsiyad kuugaara oo aad majaaladda iyo laamaha nolosha midood siwanaagsan wax uga qaban ayaad leedahay arrin gaar ahna waad ku haboon tahay macdan gaara oo aad leedahay oo aanan daadina wayjirtaaye ogow macdan taadaasi nooca ay tahay baarbaar oo raadi shakhsiyadaada qarsoon ee markaad usoo jeesato inaad qof wax qabad leh noqoto si kaa muujineysa kadibna nolosha inta aad kaga haboon tahay kaga hagaag,marka xigtana ogow dadka kale qof waliba inuu kaa shakhsiyad duwan yahay sida illaahay uabuuray ku ixtiraam oo ku qaddari adiguna si qurxoon oo billaa buuqa ayaad u noolaaneysaa dadka illaahayna way kaa nabad galayaan,garo shakhsiyadaada daahsoon ee kuu qarsoon kadibna is aqoonso adigu qof wax qabad lehna noqo.
No comments:
Post a Comment