Sida aynu wadda ognahay dumarku waa dad aragti dheer marka la joogo dhanka Ragga gayaan kooda ah ee ay Haddal wadaagta yihiin ama Haasaawe mideeyo sidookalana waa dad aad ugu fiican u fiirsiga dagdaga ah iyo ka felcelinta dhanka Ragga marka la joogo kulanka ama aragtidda koobaad Haddaba Buugan waxaaad ku Baran doontaa Habka ay dumarku u kala shaan dheeyaan Ragga iyo dooqyo badan ay ka mid yihiin,anigoo ka soo qaadaya shan nuuc oo ay inta badan wadaagaan dumarku kana midaysan yiniin:
1: labiska ama xaragadda dusha: marka ay inantu aragto ninka waxay aragtidda koobaad isha kudhufataa qaabka uu u lamisan yahay iyo zarragadda ka muuqatta sidda labiska uu xiran yahay midabkiis inuu saacad xiran yahay kabihiisa muraayaddaha ama oo kiyaalaha indhaha Iwm,marka intaa laga yimaado wasay iyaduna ka qayb qaadataa xaalka uu markaas ku sugan yahay markii ay gabadhu indhaha ku dhufatay miyuu fadhiyay miso wuu taagnaa masoconayay madad buu usheekay nayay misa taleefan buu ku hadlaayay.
2: qaab-dhismeedka jirkiisa: sidaynu wadda ognahay qof kasta wuxuu jecelyahay qof qaab-dhismeed qurux badan leh oo indhahaaga iyo kuwa dadka kalaba soo jiidanaya tanina waxay ka qayb qaadanaysaa eeg madda ay dumarku iu qiimeeyaan Ragga aragtidda koobaad sidookale waxaa iyaguna jirra aragtiyo ay dumarku ku kala duwan yihiin oo aaanan uga Hadlin Buugani laakiin waxaan si guud uga Hadlayaa meelaha ay isku-mid ka yihiin .
3:Timihiisa: inkastoo dumarku ay ku kala duwan yihiin Aragtidaan,qaabka ninka timaha u jarto ama xiiseeyo ,laakiin Timihiisa iyo nuuca ay u jaran yihiin waxay qayb wayn ka qaataan eeg madda dumarku ku qiimeeyaan aragtida Hore ama aragtidda koobaad,laakiin badan kood waxay isku-raac san yihiin sidda yara kala-sarraysa u jarta ee aan aadna u dheerayn aadna u gaabin ,anigoo ka tagaynin dhankii garkana sidookale Habluhu ma jecla ninmaka garka wayn ee waxay ka helaan garka sidda qurruxda badan ujaran ee aan waynayn qaarkoodna garkaba kama helaan ama ma jecla waxayna ka mid tahay aragtiyaha ama dooq yadda lagu kala duwan yahay.
4: indhihiisa ;waxaa jirta mid ay dumarku isku wadda raac san yihiin oo ah inay ka helaan Ragga indha waaweyn leh indhaha ninku inay waaweyn yihiin waxay ka qayb qaadataa soo jiidashada aragtidda koobaad ee gabadha,inkastoo aynan abuuritaanks illaahay ku gafaynin Haddana waa mid zaqiiqa ah tanni waayo sugaan badan oo soomaaliyeed baa Haweenka indhahooda amaantay laakiin maadaama dhaqankeena Suuban uusan Ragga amaanin oo aysan Ragga amaanta lahayn ,oo Ragga geesinimadda iyo deeqsinimadda iyo Haddal yaqaan nimadda iyo aftahan nimadda loo daayay Haddana wakhtigan dambe dhalin tan joogta badan koodu siyaabo kale ayay u eegaan quruuxdda iyo doorashadda gayaanka waana lagu kala duwan yahay Badanka Rag iyo dumarba taas ,maadaama uu wakhtigii is badelay Hablihiis Hore qudhoodu amaano tirro badan oo gaara ayay la haaueen,laakiin Hadda wakhtigaan aan joogno waxkasta sidii Horre maaha oo waynu lasoconaa taas,maadaaama uu na Hugaaminayo is-bedelka xiligga oo aan Halkii horre lagu dhaganaan karrin .
5:Socodka: socodka ninku wuxuu qayb wayn ka qaataa Hubqaadkiisa iyo Haybo bodiisa ninba ninka uu ka socodka wacan yahay wuu ka soo jiidasho badan yahay xagga dumarka waayo dumarku ma jecla ninka dheereeya ee socodka booba ama sidda dag daga ah usocda ee waxay ka helaan ninka ku qarragooda socodka ee sidda dagan usocda in markii ay gabdhu indhaha kugu dhufatay aad soconaysay ama tilaab sanaysay waxay maskaxdeeda ku keentaa xasuus iyo hal qabsi xitaa Haday hablo badan kugu arkeen xiligaa waxay qaarkood xasuusanayaan oo ay oranayaan Alla ma inankii socodka wanaagsana baa ,Hadaba taas waxay noo iftiiminaysaa socodku inuu isku koobsanay aragtidaada koobaad.
6: Haddalada dabac san: waa qodob ay dumarku badnkood ay xooga saaran,Ragga hadalka dabac san leh dumarka qaarkood way ka helaan,kadibna waxay aaminaan inuu nin fiican yahay oo ay san Hadal xumi ka soo bixin,Halka ay san dumarku jeclayn Ragga hadalka qalafsan ama Ragga aan Haddalada fiican adeegsan. 6: Hab-dhaqan: dumarka qaar waxay marka Horaba eegaan hab-dhaqanka ninka, kadib marka ay ku qancaan ayay is-tusaan inay muddan tahay,meelaha ay dumarku hab-dhaqanka ka eegaan waxaa kamid ah qaabiliadda,salaanta,ixtiraamka,dabeecad,dulqaadka,ha dalada wanaagsan,qaddarinta,balan ilaalinta degenaanta,iyo sifooyinka wanaagsan ee muujiyo ninku.
7: Afmiishaar nimo: waa calaamad kale oo eegaan dumarku marka ninku sheekaynayo,Haduu afmiishaar yahay wuxuu isticmaalaa hadallo iyo erayo macaan oo isku toosan,taasina waxay dhexqaadaa qalbiga gabadha,waxayna kubiirtaa xiiso gaar ah,oo ay ninkaas uhayso,Horra loo yiri “afmiishaarnimaddu musixirnimo” Ragga afmiishaarinta ahi waxay sameeyaan dhacdooyin iyo sheekooyin iyo been iyo khiyaali ku dhasan,oo ay kusoo jiitaan Haweenka,way adag tahay in sheekadiisa been la moodo,waayo qaabka iyo siduu u dhigay ayaa heer sare ah. Raggaan gabadhii la sheekaysa waxay sicad u qiimaynaa haddaladiisa iyadoon kafiirin meelaha kale kaliya uun ka qiimeysay hadlka uu adeeg sanayo.
8: furfurnaanta: qodobka kani guudahaan dumarka badankoo wuxuu uleeyahay qiimo 80% furfurnaantu raga waxay u saamaxaysaa inay cidkasta la hadlaan una sheekeeyaan. Dumarka qaar waxay neceb yihiin Ragga xirxiran oo aan cidna la-fal gelin “dumar waa sheeko” waxaan ula jeedaa dumarku waxay jecelyihiin nin inta badan usheekeeya mid kamid ah daraasado lagu sameeyay waxaa kamid waxay oranaysaa dumarku ma’aamusi karaan muddo toban daqiiqo wax ka badan,intaas wixii kabadan waxay bilaabaan sheeko ,marka qodob kaan waa mid saamayn kuleh dhinaca dumarka.
9: ninka jooga dheer: qaab-dhismeedka dheer ee raggu waxa ay kamid tahay astaamaha sida wayn Haweenku u qiimeeyaan,Ragga leh joog iyo qaab-dhismeed dheer aad ayay haweenku ujecel yihiin ,waxaana la sheegayn in Raga dhaadheer noqdaan kuwa ugu saamaynta badan soo jiidashadda haweenka marka la barbar dhigo Ragga gaagaaban,Haween badan oo dookha Ragga la waydiiyay waxay ubateen inay jecelyihiin Ragga dhaadheer.
10: Ragga jidh ahaan xoogan: waa astaan casrigan si wayn u tixgaliyaan dumarka wakhtigaan jooga,Haween badan ayaa wax laga waydiiyay dookha Ragga waxay si dhib yar uga jawaabeen inay jecelyihiin Ragga muruqyada waaweyn ama jidh ahaan udhisan. Muruqyadda caloosha ,gacmaha iyo garbihiisuna duuban yihiin. Haweenka casrigan ma jecla Ragga buuran ama cayilan ee aan murqohoodu duubnaynin ,waxayna si hab-sami leh u neceb yihiin Ragga caloosha leh. Ragga waxaan leeyahay socodka iyo labiska inaga Habeeya Hablahana waxaan leeyahay quruxda waa asturnaanta ee
No comments:
Post a Comment