Waxaan aragnaa qaar kamida ah dadka oo runtii u muqda kuwo aan raaxo lahayn rajada laga qabo iney aamusnaandaan.marka la fiiriyo dhamaadka xilliyada dib-unoqoshada,aamusnaanta qaar kamida dadka waxay ku raaxaystaan aamusnaanta,halka kuwa kale ay san jeclayn.
Aamusnaanta ayaa la ogaaday iney kicineyso koritaanka maskaxda : sanadkii 2013,daraasad lagu sameeyay qaab dhismeedka maskaxda iyo shaqadda ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan laba saacadood oo aamusnaan ah ay kadhalan karto abuuritaanka unugyo cusub oo maskaxda ku xiran bĂ rashada iyo dib u soonoqoshadda. Waxaa kale oo suurta gal ah in aamsunaantu,marka qaar ay haboon tahay inaad aamusnaanto.
Waxaa cad in aamusnaantu ay awood u leedahay,sida awood kasta oo kale waxaa loo isticmaali karaa in lagu xanuujiyo ama lagu bogsiiyo oo laga yabee iney tani tahay sababta ay dadku si kala duwan uga jawaabaan. Micnaha aamusnaanta waa kalinimo,gooni-isku tug ama qallafsanaan.waxaa loo isticmaali karaa in lagu muujiyo kabixitaanka shucuurta,diidmada ama xitaa ciqaabta.
Erayga aamusnaan waxaa inta badan loo-adeegsadaa micno darro: Shirqool aamusnaan ah,kor u qaadida xijaabka aamusnaanta. Addunka mshquulka badan,ee buuqa badan ayaa u muuqda iney ka baqaan aamusnaanta. Aamusnaanta micnaheedu waa kaalinimo,gooni-usocod ,qalafsanaan intaas oo micno kabadan ay leedahay aamusnaantu.
Faa’iidooyinka cilmi-nafsiga aamusnaanta:
Faa’idooyinka waxaa ka mid noqonn karra hal-abuurnimo,diirada saarid,is-xakameyn,wacyigalin nafeed. Aamusnaanta waxaa loo isticmaali karraa si togon iyo si dadban ba sidaa derteed waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirkeena. Badankeenu waxaan si cad u xaqiijinaa farqiga u dhaxeeya aamusnaanta aan la ogolayn iyo tan xaqiijineysa in waxa aan sheegayno si dhaba loo dhagaysto. Adeegsiga aamusnaanta waa micno badantahay mararka qaar aamusnaanta faa’ido ayay nooleedahay,wakhti waaxu joognaa ay na an facayso Soomaalidii hoorre maahmaah ay kaga hadleen aamusnaanta *(Af daboolan waa dahab) oo micnaheedu yahay qof aamusan afkiisu waa dahab sababtoo ah Mar walba hadaad hadal badantahay micno gooniya mayeelanayo hadalkaaga,ugu dambayna waxaad ku dhici dontaa god oo waad fashilmi doontaa. Allaah(sw) waxa uu quraankiisa ku yiri”Hadii ay kulla hadlaan jaahiliintu kudheh Nabad galyo”(yacnii hala sii doodin)” Suubanaheen(NNkH) waxa uu xadiith ku yiri “wax qayr ah ku hadal ama iska aamus”. Xikmad ayaa oranaysa “CARABKAAGU WAA ABEESO EE YOWSAN KUQANiiN” CILMI-NAFSI 100 Xikmad kale ayaa na dhahaysa “BADANAA INTA GEESI LAGA BAQI JIRAY OO LOO DILAY CARAB KIISA AWADIIS QABRI KU JIRA”. Waxaad ogaataa aqristow hadii Hadalku yahay qalin AAMUSKUNA Waa Dahab. Maahmaah daan soomaaliyeed aayaa tiri “CAQLIGAAGA iyo CILMIGAAGA YAR AAMUSNAANTA Ayaa Lagu kabaa” Qofka wanaagsani waa qofka aamusnaanta badan waayo aamusku waa xigmad. Waxa aad kunabad gali kartaa adduun iyo aqriraba waa inaad afkaaga ilaashataa Maalinta qiyaame ee Baaxada wayne wax alle wixii aad hadal sheegtay waa lagu horkeeni donaa xasuusnow aqriste
No comments:
Post a Comment