NIMCAAN-BOSS Official Web-Page: (The Relationship among psychology and education ) XARIIRKA KA DHAXEEYA CILMI-NAFSIGA IYO WAX BARASHADA

Followers

Thursday, April 6, 2023

(The Relationship among psychology and education ) XARIIRKA KA DHAXEEYA CILMI-NAFSIGA IYO WAX BARASHADA

 Cilmi-nafsiga waxbarashadu waa laan kamid ah ama waa qayb kamid ah cilmi nafsiga,barashadda habraacyadda wax-barashadda la eegayo aragtidda garashadda iyo habdhaqanka la badaba,waxay u ogolaanaysaa cilmibaarayaashu inay fahamaan kala duwanaashaha shakhsi ahaaneed ee caqliga,hormarka,garashadda iyo saameynta iyo dhiirigelinta,is-xakameynta sidookale cilmi-nafsiga waxbarashaddu wuxuu si aad ah ugu tiirsan sanyahay hababka tirradda oo ay ku jiraan tijaabinta iyo cabirka si Kor loogu qaado howlaha waxbarashadda Wax Barashada cilmi nafsiga maanta .


Wakhtigii hore iyo maantay Barashada cilmi nafsiyeedku barashada iyo barida iyo is la wakhtigaas Waxay ku didaalaan sidii loo hagaajin lahaa wax barashada. Si loo fahmo sida ugu badan ee surtagalka ah ee ku saabsan barashada iyo waxbarida CILMI-NAFSI .

dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxbarashada dadka baraan dhinac walba oo ku saabsan waxbarashada,haday ahaan lahayd xifdin,akhrin, qoris iyo wixii la mid ah. Door ka waxbarashada ee cilmi nafsiga: Qodobadaan soo socda waxay ka ciyaaraan doorka muhiimka ah ee cilmi nafsiga wax barashada  Illaa iyo intii cilmi nafsiga wax barashada lagu gudan jiray ilaa 100 sano dood ku saabsan waxbarashada ayay qabteen cilmi-nafsi yaqaanadu  Dadka qaar waxay aaminsan yihiin cilmi nafsiga wax barashada waxayna ku dabaqeeen waxqabad yada lagu dhax qabto goobaha waxbarashada. Kuwa kale waxay aaminsan yihiin iney ku lug leedahay adeegsiga habka cilmi nafsiga si loo barto fasalka iyo nolosha dugsiga Brophy 2003 wittrockadeegsia. CILMI-NAFSI 

  QAYBAHA CILMI-NAFSIGA

 Cilmi nafsiga waxaa loo qaybiyaa nuucyo badan buugaan ama dhiganahaan waxaan ku sheegi doonaa sadex nuuc oo kamid ah cilmi-nafsiga,sidookale waa kuwa ugu saameynta qaybaha cilmi-nafsiga. Bugaan waxaan ku sharixi donaa Seddex nuuc oo kamid ah cilmi nafsiga 

1: Cilmi nafsiga caafimaadka (Health psychology) waa qayb kamid ah, qaybaha uu cilmi nafsigu aad uga Hadlay maxaa yeelay cilmi nafsiga caafimaadka wuxuu ubadan yahay maskaxda bani’aadamka inta badan cudduradda ku dhaca maskaxda bani’aadamka waxaa lataacla ama daaweeya cilmi nafsiga,marka waxaan darreemi karnaa inuu muhiim u yahay noolaha qaasatan Bani’aadamka. 

2: cilmi nafsiga warshaddaha (industrial psychology) warshadduhu waa la’aanta cilmi nafsiga ee khusaysa aragtiyaha nafsiga ah iyo mabaad’ da ururadda,warshadduhu waxay qabtaan howlo kala duwan oo ay ku jiraan barashadda dabeecaddaha iyo hab-dhaqank shaqaallaha,hadafka guud cilmi nafsiga warshaddaha,waa in la barto ama la fahmo dabeecadda aadanaha. CILMI-NAFSI.

 3: cilmi nafsiga dabeecada ( Behavioural psychology) cilmi nafsiga dabeecadda ayaa saameyn wayn ku yeeshay bukaan socodka, Tussaale ahaan adeebacadda qofka marka aad rabtid inaad ogaatid waxaa la sameeyaa wuxuu diidaayo qofka ayaa lagu soo celceliyaa,bukaan socod waxaan u lajeedaa qofk dabeecaddiisu ebar tahay. Sidookale cilmi nafsiga dabeedda waa la’aan kamid ah cilmi nafsiga waxayna xariir la leedahay cilmi nafsiga bulshadda maxaa yeelay bulshadda qof aan dabeecadd la’hayn lama heshiin karo ama lama dhaqmi karro.

 4: social psychology (cilmi nafsiga bulshada) cilmi nafsiga bulshadda waa qayb kamid ah cilmi nafsig.ama cilmi nafsiga bulshadda waa qayb kamid ah cilmi-nafsiga guud oo si wayn looga tixgeliyo addunka,sidookalana waa daraasad cilmiyeed oo ku saabsan sida fikraddaha bulshadda loo hormariyo sidookale dareenka iyo shakhsiyaadka kala duwan ayuu saameyaa cilmi nafsiga bulshadda . Cilmi nafsiga bulshadda wuxuu ka maareyaa walaaca iyo niyad jabka bulshadda soo weeraro ama ay la kulmaan iyo arrimaha kale bulshadda si ay u wanaajiyaan go’aan qaashaddooda iyo hab-dhanka saxdda ah ee mustaqbalka ee ku salaysan faham dhaqankii horre. CILMI-NAFSI .

 Tussaale: waalidiintii horre ee 190s waxay la haan jireen dhaqamo gooniya halka jiilka hadda jirra ama dadyoga hadda jooga ay ayakuna lee yihiin dhaqan ugooniya,marka cilmi nafsiga bulshaddu dhaqankii horre ama midka hadda jirra waa soo hoos galayaa. Dhakhaatiirta cilmi nafsiga bulshadda waxay caadi ahaan usharaxaan dabeecadda bani’aadamka inay tahay natiijadda xadhiidhka ka dhaxeeya bulshadda iyo maskaxda. Barashadda cilmi nafsiga bulshadda ku saabsan waxay kaa caawin kartaa fahamka naftaada iyo addunka kugu xeeran,marka aad barato wax badan oo ku saabsan sida ay dadku u arkaan dadka kale,sida ay u dhaqmaan koox ahaan, iyo dabeecaddahooda loo ogaado waxaa kuu fududaanaysa inaad la’ dhaqanto.

No comments:

Post a Comment

Characteristics of a good leadership (Astaamaha Hoggamiyah wanaagsan)

 Dhamaan Hoggaamiyeyaasha wanaagsani Waxay adeeg saddaan ugu yaraan qaarkamida astaamahaan Wadda jir ahaan,waxay ka kooban yihiin laf-dhaba...