jecaylku waa in laba qof is-ku mar daneeysta yaal noqdaan. Cilmi nafsiga jacaylka muxuu ka yiri in badan oo dadyowga dunida ka tirsan ayaa aminsan inuu jiro jacaylka aragtida koowaad. Halka culimada cilmi nafsiga ay ku tilmaameen dareen sojidasho leh oo fudud oo aan gaarsiisnayn heerka jacaylka dhabta ah. Darrasad ay sameyeen culimda cilmi nafsiga ee jaamacadda groningen ee dalka Netherland,ayaa lagu baaray jiritaanka “jacaylka aragtida koowaad” natiijadii cilmi baaristaan kasoo baxday ayaa noqotay in darrenka dadka ee aragtida koowaad uu yahay mid soo jiidasho jireed oo fudud oo ay la socoto mowjado ka helitaan xoogan.
Darrasadaan ay culumada cilmi nafsiga ay sameeyeen ayaa waxaa ka qayb galay 396 qof oo intooda badan ah arday jarmal iyo nederland uu kala dhashay,ardey daan waxay sameeyeen kulamo wakhti kooban ah oo muddo 90 daqiiqo iyo 20 daqiiqo oo kale ay isku arkeen. Dhakhaatiirta cilmi nafsiga ayaa ogaaday,labo siyaabood oo saameyn kara sida aynu xadhiidh u bilaawi karno iyo sida aynu u joogteyn karno.
Midkood waxa uu qiyaasaa heerka mudnaanta aynu siino Marka ugu horreysa ee aad qof la kulanto iyo saadasha hore ee aad ku ogaann karto, inaad isku haboon tihiin,halka kalana qiyaas suurta galnimada uu xadhiidhkaasi ku sii jiri karo. Hadii ay dhibaatooyin la soo dersaan waxaana la yidhaahdaa aragtiyaha muuqda ee xadhiidhka,waxaa dhici karta in sigaar ah qofka uga fakari karo sida uu uqabali karo,inuu jiro jacayl dhab ahi,laakiin arintaasi maha mid aynu sicad, ugala sheekaysano dadka ama aynu dhaadanahay.
Marka aynu xadhiidh cusub bilaawayno,labad siyaabod ee aan horay u soosheegnay waxay ay natusi karaan,in aad suurta gal utahay,in qofku la hadlo qofka uu xadhiidhka kala dhaxeeyo ama u uga fiirso karo dhaliilaha uu qof kale lahaan karo xitaa hadiba aynu lahayn kala duwanaashaha aragtiyada dadka ayaa keenta in lafahmo dookh dadka kale qaarkood ayaan fahmi karin. Astaamaha jacaylka ee cilmi-nafsi:
Daraasado dhowr ah oo ku saabsan xariirka jacylka oo ay sameeyen xeel dheerayaasha arrimaha jacaylka ayaa sheegay astaamaha lagu garto qofka jacaylka dhabta ahi hayo ama uu halleelo,taas oo aad ku garan karto ,hadii aad isku aragto astaamahaan in jacayl dhaba ahi ku hayo:
1: qofka sida dhabta ahi wax u jecel ,waxuu illaaliyaa sharafta lamaahana kale ee u jecelyahay in kabadan sida uu udaryeelo naftiisa.
2: lammaanaha aad sida dhabta ah aad u jeceshahay waxa uu noqdaa ka u dambeeya aad habeenkii ka fikirto iyo ka u horreya aad ka fikirto subaxii.
3: qofka jacaylka rasmigaa halleelo,si dhab ah ayuu u ilmeeyaa una oo yaa markasta oo uu xasuusto lamaanaha uu jecelyahay.
4: markasta oo uu soodhaco telleefankiisu qofka sida dhabta wax u jecel waxa uu aad u doorbidaa inuu noqdo codkii lamaanaha uu sida dhabta ah u jeclaa.
5: markasta oo uu soogalo qol dad badani ku jiraan waxa uu indhaha la raacaa ama indhaha qac ku siiyo muqaalka aragtida lamaanaha uu jeclyahay isaga ama iyadda.
6: Hadii u ogyahay halka uu joogo lamaanaha uu jeclyahay masaafaday doonto ha u jirtee wuu u baholyoobaa waana u tagaa.
7: Hadii lamaanaha aad jeceshay uu la socdo rag ama dumar kale,waa inuu muqaalkeeda ama muqaalkiisa uu sigaara kaaga sooc naadaan bidhaan ahaan musaafo ka durugsan kuwa kale.
8: marka uu ku soo eego lamaanaha aad jeceshay ee ay indhihiinu is qabtaan waa uu naxaa ama way naxdaa garaaca wadnahaagana si aan caadi ahayn ayuu u sii kordhaa.
9: markasta waad ka fikirtaa,wax kasta oo aad ragtana way ku xasuusiyaan jecaylkiisa ama jacaylkeeda,waxaadna jecashay hadal haynta iyo warka lamaanaha aad jeceshay iyo maqalka codkiisa ama codkeeda ilbiriqsi kasta.
10: qofka jacaylku biyo kadhigaa kuma dhiirado inuu sicaadiya ula hadlo,lamaanaha uu jeclyahay markasta oo uu la hadlana waxa u dareemaa fikir naxdin saa id ah,kalgacalka ogii. Hadaba si aad aragtidaan ufahmtid waxaad ka jawaabtaa su’aalahaan marka aad halkaan soo gaartid.
No comments:
Post a Comment