Khabiirada cilmi nafsiga waxaa lagu tababaray sayniska sida dadku u fikiraan,dareemaan, u dhaqmaan oo wax u bartaan. Dhakhaatiir badan oo cilmi nafsiga ka shaqeeya goobaha daaweynta,iyagoo qiimeeynaya Wallaaca dadka iyo duruufaha nolosha.
Waxay bixiyaan caawimo xaaladdaha caafimaadka maskaxda sida niyad jabka Wallace,walbahaarka iyo khaqalka. Takhasusyaasha cilmi nafsiyeedku waxay lee yihiin tababar gaar ah oo ku saabsan ogaanshaha iyo qiimeynta,waxayna u janjeeraan inay taageeraan dadka qaba dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee aadka u daran “ayuu yiri Dr Tristan snell,oo ah la-taliyaha cilmi nafsi iyo bare sare cilmi nafsiga ka dhiga jaamacadda Deakin. Xirfaddaha cilmi nafsiga waxay u muqdaan iney ka dhacaan qaab-dhismeed caafimaad oo badan.Khabiirada cilmi nafsiyeedku waxay adeegsadaan daaweynta iyo dabeecadda iyo garashadda taas oo tilmaanta Oo ka hor timaadda fikradaha iyo dabeecaddaha aan faa"idada lahayn , iyo aaladaha sida tijaabada nafsaaniga ah si loogu wargaliyo xeeladaha daaweynta.
La-taliyaashu waxay qaataan hab qofka-ku-salaysan,ayuu yidhi Dr Snell. Hadii aad rabto inaad aragto dhakhtar cilmi nafsi waxay u baahan tahay inaad sameysid Qiimeyn dhamaystiran si aad u aragtid dhakhtar cilmi nafsi Sidookale la-taliyaashu waxay dadka ka caawiyaan iney si wanaagsan wax ugu qabtaan. Iyagoo gacan ka gaysanayaa dhibaatooyinka sidii arimaha loo cadeyn lahaa,loo sahmin lahaa xulashooyinka loona hormarin lahaa xeeladaha. La-taliyaashu waxay ku is xeel dheer yihiin dhageysiga iyo caawinta dadka si ay u gaaraan u jeedooyinkooda shaqsiyeed “ayuu yidhi Dr Snell.”uma muuqdaan inay sameeyaan baadhitaan ama qiimeyn lakiin waxay taageri donaan dadka leh astaamaha fudud ilaa dhaxdhaaxaada ah ee cudurka dhimirka” Marka laga reebo tarbiyada hal-hal dhakhaatiir cilmi nafsi iyo la-taliyaashu waxay ka shaqeyaan meelo badan oo xirfadeed.
Sidee loo noqdaa la-taliye cilmi nafsi Australia gudaheeda cilmi nafsigu waa xirfad la nadaamiyey taas micnaheedu yahay in qof kasta isku magacaabo cilmi nafsi yaqaan waa inuu ka diwaan gashan yahay guddiga cilmi nafsiga oo lagu qoro wakaalada xeerka dhaqtar caafimaad Astralia (AHpRA). Qofka rabo inuu noqdo cilmi nafsi yaqaan, addunka wuxuu maraaa lixsano Oo wax barasho jaamacadeed ah iyo waayo aragnimo lo kormeeraayo sida caadiga ah saddex sano ee shahaadada koobaad ee jaamacadda hal sano oo shahaado sharaf ah ama diblooma qalin-jabinta ah iyo shahaadada mestaers k-ee laba sano ah. Sidookale Deakin wuxuu yidhi waxaad ku baran kartaa Bachelor of phsychology ama Bechelor of science psychological,oo ay ku xigto sanad shahaada sharaf ah ama diblooma cilmi nafsi. Dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxay dadka ka caawin karaan iney bartaan sidii ay u la qabsan lahaayeen xaaladaha walaaca leh, iney iska dhaafaan balwadaha Ay is ticmaalayaan. Waxaa jira shan hadaf oo aasaasi u ah Barashada cilmi nafsiga:
Hadafka ugu horreeya waa in la fiiriyo dabeecadda oo lugu sharaxo inta badan si faahfaahsan daqiiqad,waxaa loo arkay si macquula yacnii sida ugu mshquulsan.
Hadafka labaad waxa uu sharaxayaa, sharaxaad In kasta oo sharaxaadu ka timaado xog la arki karo dhakhaatiirta cilmi nafsiga waa iney ka gudbaan oo ay sharaxaad buuxda ka siiyaan Bulshada cilmi nafsiga waxa uu yahay iyo taariikhdiisa.
Hadafka saddexaad waxa uu sharaxayaa saadaal
markaan ogaano Waxa dhacay iyo sababtay ay udhaceen
waxaan billaawi karnaa ama aan saadalin karnaa
Hadafka afaraad waxaa uu sharaxayaa ama uu nabarayaa
waxa ay tahay micnaha xak-meynta markaan ogaano
waxa dhacay iyo sababta ay u dhaceen iyo saadaalinta
mustaqbalka sida aan ku soo baranay qodabka saddexaad
waxaan awoodd buuxda u yeelan karnaa xaka-meynta
nafteena sidaa darteed waa muhiim inaan xaka-meyno
nafteena illaa xad.
Hadafka shanaad waxa uu sharaxayaa Hagaajin
khubarada cilmi nafsiyeedka waxay had iyo jeer isku
dayaan inay dadka baraan hagaajinta naftooda taas oo
micnaheedu tahay inay nolosha hadaf ka uyeeshaan.
No comments:
Post a Comment