NIMCAAN-BOSS Official Web-Page: May 2023

Followers

Friday, May 12, 2023

Characteristics of a good leadership (Astaamaha Hoggamiyah wanaagsan)

 Dhamaan Hoggaamiyeyaasha wanaagsani Waxay adeeg saddaan ugu yaraan qaarkamida astaamahaan Wadda jir ahaan,waxay ka kooban yihiin laf-dhabar xoogan oo ku baahsan ururadda,warshadaha,qaaradaha. Haddii aad ka cabsaneyso inaaad ka maqantahay qaarkamid astaamahaan Hogaamiyaha wanaagsan, ha yaabin waxaa jira siyaabo aad ku hogaajin karto awoodahaaga Hogaamineed. 


Ani ahaan waxaan aminsanahay in Hogaanku xirfad la hormarin karo oo Hogaamiyeyaasha lagu habeeyo khibrad, waxbarasho joogto ah iyo la qabsi. Cilmi baaris aan sameeyay waxaan ogaaday in hoggaamiyayaasha ugu wanaagsan ay si joogta ah u sameeyaan 10kaan astaamood:

  Daacadnimo.

  Awoodda wakiilnimo.

  Isgaarsiinta.

  Mahad naq/mahad celin. 

 Isbaraarajujin.
  Naxariis 

 Geesinimo 

 Ixtiraam 

 Naftiisa wuxuu ka jeclaadan 

 Qof isla wayn ma ahan.

  Daacadnimadda waa astaatanta hoggamideed ee qofka iyo ururka waxay sigaara muhiim ugu tahay madaxda sare ee dajinta koorsada ururka oo samaynaya go'aamo kale oo muhiim ah oo aan tiro lahayn. Daacadnimadu waxay muujinaysaa ama ay dhab ahaantii noqon kortaa meel indho la'aan ah yacnii meelaan ama dal aan hoggamiyaheeda daacad la ahayn waxba madhaqi Karo 

 Awoodda wakiiladda Wakiiladu waa mid ka mid ah waajibka aas aasiga ah ee hoggaamiyaha lakiin way adkaan kartaa in si wax ku ool ah loo igmaddo. Haddafku maahan oo kaliya inaad naftaada xoreyso-sidookale waa inaad awood u siiso warbixinadaada tooska iney Koraan. 

 Isgaarsiinta Hoggaaminta wax-ku oolka ah iyo isgaarsiinta wax-ku-oolka ah ayaa isku xiran. Hoggaamiyaasha ugu fiican waa wadda howgalayaal xirfad leh oo awood u leh inay siyaabo kala duwan u wadda xiriiraan,laga billaabo gudbinta macluumaadka illaa dhiiri galinta kuwa kale si loo tababaro. Waa inaad awood uleedahay inaad dhagaysato,oo la xariirto dad aad u tiro badan oo kala jiro doorar juqraafi aqoonsi bulshadeed iyo in kabadan.tayada iyo waxtarka isgaarsiinta. 

 Mahad naq/mahad celin Ku mahad naqidu waxay kuu horseedi kartaa kalsooni sare Mahadnaqa ayaa mararka qaar xittaa kaa dhigi kara hoggaamiye wanaagsan. Hasa yeeshee dad tiro yar ah ayaa si joogta ah u yiraahda “mahadsanid" Hoggaamiyaasha ugu fiican ayaa yaqaan sidda loogu muujiyo mahadnaq daacad ah meelaha kala duwa. 

 Isbaraarujin In kastoy oo tani tahay sifo diirad saarid ah oo guddaha,is-wacyigelinta iyo is-hoosaysiinta ayaa uga mudan Hugaanka. Sida ugu fiican ee naftaada u fahanto oo aad u garwaaqsato meelaha aad ku fiicantahay iyo meelaha aad ku liidato,ayaa wax tar u yeelan karta Hogaamiye ahaan. Mataqanaa sida dadka kale kuu arkaan ama sida aad uga soo muuqato shaqadaad? 

Wakhti qaado sida aad wax u barato 4ta dhinac ee is baraarujinta iyo sida aad u xoojin karto qayb kasta.

Saturday, May 6, 2023

PSYCHOLOGY , SOCIAL AND POLITICs ( CILMI NAFSIGA BULSHADA IYO SIYAASADDA )

Sanadkii 2016-kii waxaa dunidda ka dhacay isbadallo siyaasadeed oo badan. Kuwaas oo ka hor imaanaya mala-awaal ku aadan dunidda siyaasadda oo laga yaabo in badani u qaateen wax aan jirin.Tussaale ahaan Boqortooyada midowday tan waxaa laga arki karaa “Brexit" ( yacnii a fiitadii loo qaaday in britain ay ka baxdo midowga yurub) iyo USA doorashadii lama filaanka aheed ee Donald Trump ee madaxweyne.tani maaha uun is badellada siyaasadeed waxay sidookale matalaan is badallo qoto dheer waxaana kamida sida ay dadku is ku arkaan.

 Cilmi nafsi waxbarashadeed wuxuu isku dayaa inuu fahmo dhacdooyinka siyaasadeed ee noocaas ah isagoo waydiinaaya su'aalo aasaasiya uu ku saabsan sida iyo sababta ay dadku ula falgalaan geedi socodka iyo qaab dhismeedka siyaasadeed. 

Cilmi nafsiga siyaassadu waa goob tecliimeed oo isku dhamaan. Oo isku dayaysa in lafahmo siyaasadda,siyaasiyiinta,iyo habdhaqanka siyaasadeed dhinaca maskaxda. Iyadoo xadidaad u leh taariikhdu markey aheed 1800kii,khubaradu cilmi nafsiga siyaasadu waxay adeegsadaan sharraxaada iyo garashada iyo Bulshada si ay daaraaseeyaan habdhaqanka siyaasiyiinta, aasaaska caqiidadooda is-badellka siyaasadeed ee u dhaxeeya xisbiyada iyo natiijooyinka hab-dhaqanka siyaasadeed. Iyada oo leh xadido dib ugu soo laabanaaya 180kii khubaradda cilmi nafsiga siyaasaddu waxay guuda  diirada saareen daraasadooda dabeecadeed aadanaha maadaama ay la'xariirto sayniska siyaasadeed,ku xirnaanta xisbiyada siyaasadda,codbixinta,aragtidda ddawaynaha ee siyaasiyiinta iyo sharciga dowladda iyo inkabadan maanta, saameynta argagixissada.

 Cilmi nafsiga siyaasadda wuxuu kaloo quseeyaa geedi - socodka iyo go'aan qaaadashadda siyaasiyiinta laftoodu iyo saameynta ay ku leeyihiin dadwaynaha. Qaybaha kaladuwan ee cilmi nafsiga Cilmi nafsiga waxbarashada,cilmi nafsiga siyaasadda cilmi nafsiga dhaqaalaha cilmi nafsiga ganacsiga 

Cilmi nafsiga siyaasadda wuxuu bixiyaa aragti kusaabsan sidda hababka dunidan dhabta ahi u dhaxgalaan oo ay u saameeyaan go'aan qaadashada siyaasadeed. Sidee looqoro talooyink siyaasadeed oo waxqabad leh: Marka aad qorreyso siyaasad kooban waxaa jiira wax yaabo badan oo la rabo inaad tixgaliso Qoraalka siyaasudu wuxuu noqday aalad “aada" ee fududeynta siyaasaddaha Ku saleysan caddeynta. Warbaxinta kooban ee siyaasaddu waxay doonaysaa iney ku war galiso go'aan qaadaha ikhtiyaarada siyaasada ee cadeyn ku-saleysan adag ku gaari doona natiijada la rabo xaaladdo kala duwan. Iyadoo la abuuraayo siyaasad kasta oo kooban waxaa rajayneynaa inaan helno siyaasad da
jiye wanaagsan marka aad rabtid inaad inaad tallooyin  ka bixiso siyaasada waxaa qasab kugu ah inaad adiga taqaanid xeerarka siyaasadda.

Characteristics of a good leadership (Astaamaha Hoggamiyah wanaagsan)

 Dhamaan Hoggaamiyeyaasha wanaagsani Waxay adeeg saddaan ugu yaraan qaarkamida astaamahaan Wadda jir ahaan,waxay ka kooban yihiin laf-dhaba...